Wednesday, December 4, 2024

Xilliga uu Farmaajo xilka wareejinayo oo la shaaciyey iyo Xasan Sheekh oo markii 3aad tegay…

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulankoodii saddexaad ku yeeshay xrunta madaxtooyada tan iyo intii la doortay madaxweynah cusub.

War kasoo baxay kooxda Warfaafinta Madaxtooyada ayaa lagu sheegay inuu kulanku ahaa mid is-xog-waraysi ah oo looga hadlay xil wareejinta iyo abaabulka munaasabadda la filayo inay dhacdo 23-ka bishan May 2022.

Labada Madaxweyne oo markii saddexaad ku kulmay Madaxtooyada ayaa kulankoodan iskaga xog waraystay xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha.

Ad

Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha ayaa go’aamiyey in Munaasabadda Xil-wareejintu ay dhacdo maalinta isniinta ah oo ku beegan 23 bishan May, iyada oo ay Madaxtooyada Qaranka ka dhacayso munaasabad ballaaran oo ay xilka kula kala wareegayaan Madaxweynaha 9-aad ee JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaba 10-aad ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

May be an image of 4 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 2 people, people sitting, suit and indoor
May be an image of 10 people, people standing, suit and outdoors
May be an image of 1 person, sitting, suit and indoor
May be an image of 6 people, people standing and outdoors
May be an image of 2 people and people sitting
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON