Saturday, April 20, 2024

Xilliga Maxkamadda G/Banaadir la soo taagayo Ninkii Xaaskiis Gubay oo lagu dhawaaqay

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqday xilliga maxkamadda lasoo taagayo ninkii gubay xaaskiisa ee kiiskiisa uu hareeyay caasimadda Muqdisho iyo Baraha Bulshada.

Qoraal kasoo baxay Makamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Maalinta Arbacada 21-ka Febraayo ay u fariisan doonto dhageysiga Gal dacwadeedka Ciqaabta ah ee Sayid Cali Macalin Daa’uud.

Eedeysane Sayid Cali ayaa 26-kii Janaayo 2024 Dab qabadsiiyay Xaaskiisa oo Xaamila ahayd kaddibna ka baxsaday Magaalada Muqdisho, waxaana 5-ta bishan Febraayo laga soo qabtay deegaanka Cadayleey Gobolada Mudug.

Ad

Ninkan ayaa ku eedeysan inuu Nolosha ku gubay Xaaskiisii oo la oran jiray Luul C/casiis, taasoo toddobaad kadib u geeriyootay dhaawacii kasoo gaaray Gubashada oo ahaa mid darran.

Marxuumad Luul C/casiis ayaa weli meydkeeda la aasin, iyadoo uu ku jiro Qaboojiyaha isbitaalka Digfeer, taasoo xaaladda uga sii dartay xilli ay qoyska marxuumadda ku adkeysanayaan in la isla aaso dembiilaha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON