Guddiga labada Aqal ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay Xilliga la qabanayo Doorashada madaxweynaha dalk.
Guddiga 15-ka bishan May 2022 u cayimay inay dhacdo Doorashada Madaxweynaha, iyadoo ka hor la waqtiyeeyay jadwalka Doorashada oo ay ka mid yihiin: Is-diiwaangelinta iyo hadal jeedinta Musharixiinta.
Lama hubo in waqtigan ay ku dhci doonto doorashada Madaxweynaha, taasoo haddii au suuraghasho soo afjari doonta muddo 2 sano ah oo Doorashada jiitameysay xilli uu snad iyo bar ku dhowaad xafiiska iska fadhiyo Maxamed Farmaajo oo muddo xileedkiisii dhammaaday bishii Febraayo 2021.
Doorashadan ayaa waxaa u taagan in ka badan 40 musharax, oo ay ku jiraan madaxweyneyaal iyo ra’iisul wasaareyaal hore oo doonaya inay xilka kala wareegaan madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaan weli si rasmi ah u shaacin inuu yahay musharax madaxweyne, inkasta oo aad loo rumeysan yahay inuu mar kale tartami doono, qaarna shaku ka muujiyeen musharaxnimadiisa.