War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda xilgaarsiinta ayaa lagu shaaciyey xilliga la gelayo imtixaanka dugsiyada Sare ee dalka.
Wasaaradda ayaa sheegtay in la-tashiyo badan kadib ay ku wargelineyso dhammaan Bahda Waxbarashada in imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee Sanad Dugsiyeedka 2020-2021 la geli doono inta u dhaxeysa 22-ka illaa 26-ka bisha Maajo, 2021.
Imtixaanka dowladda oo sanadkii hore arday badan ka dhaceen caasimadda Muqdisho ayaa dhaliyey buuq badan oo aan weli xal loo helin.
HOOS KA AKHRISO

