Dalal badan oo Islaan ah ayaa Soonka bisha barakaysneyd ee Ramadaan kasoo billaabay Sabtidii April 02, iyadoo ay dalalkan caawa raadinayaan dhalashada bisha Ramadaan ee Ciidul Fidriga (Shawwal 1443 Hijriya).
Xarunta Caalamiga ah ee Xiddigiska Dubai waxay sheegtay in dalalka Soonka bilaabay Sabtidii ee caawa oo ku beegan April 30-ka, aysan macquul aheyn inay arkaan Bisha , taasoo ay ugu wacan tahay in Dayaxu dhacayo qorraxda ka hor.
Sidaas darteed waxay u badan tahay dalalkan oo Sacuudigu hoggaminayo ay dhammeystiri doonaan 30-ka bisha Ramadaan. kadibna maalinta Isniinta ah ee May 02 ay u noqoneyso Ciidul Fitriga, haddii aysan dhciin in meelaha qaar laga sheego aragti is-moodsiis ah.
Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa dadka dalkaasi ka codsatay inay caawa raadiyaan Bisha, ciddii aragtana ay gaarsiiso maxkamadaha dalkaasi, inkastoo suuragalnimada aragtideeda ay culimada meesha ka saarayaan.
Dalal kale oo ka mida islaamka ayaa Soonka Bisha Ramadaan bilaabay Axadda April 03, waxaana dalalkaasi ka mida: Indonesia, Malaysia, Brunei, India, Bangladesh, Pakistan, Iran, Oman, Jordan, Morocco iyo Ghana.
Dalalkan ayaa bisha raadin doona Maqribka 01-da bisha May oo ku beegan Axadda oo ay u tahay 29 Bisha Ramadaan. Laakiin Galabnimada Axadda ayaan sidoo kale Bisha Shawaal toos loo arki karin., waxaana lagu arki karaa aaladda telescope oo keliya badhtamaha iyo galbeedka Aasiya.
Maqribka Axadda waa suuragal inay dadku si dhib ah ku arkaan bisha gaar ahaan Yurub iyo koonfurta Afrika, laakiin dadka ku nool koonfurta iyo galbeedka Yurub, waqooyiga Ameerika iyo bartamaha Koonfurta Ameerika ayaa laga arki karaa bisha bisha si fudud.
