Xilka wasiir ee xalay loo magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ka mida xubnaha ugu firfircoon xisbiga Madaxweynaha iyo lacag ururiyahoodii doorashadii Madaxweynaha ayaa khilaaf ba’an ka dhex abuuray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Faarax Sheekh C/qaadir.
Khilaafka ayaa ka dhashay xilka loo magacaabay Fahad Yaasiin Xaji Dahir oo ahaa Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda, kaasoo aysan dooneyn Faarax iyo Fahad laakiin xilka ay doorteen kuna heshiiyeen markii hore iyaga iyo madaxweynaha uu ahaa: Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ama Amniga Qaranka oo si weyn u daneynayeen Fahada iyo dowladda Qadar.
Kulan maanta dhex maray Madaxweynaha iyo Faarax Sheekh C/qaadir ayaa lagu kala tegay iyadoo muranka arrintan uu keenay inay kala caroodaan labada siyaasadda ku saaxiiba. Faarax ayaa la sheegay inuu ku hanjabay is casilaad uu gudbin doono Fahad Yaasiin, waxaana madaxweynuhu ku adkeystay inaan waxba laga bedeli karin wasiirada la magacaabay.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]