Qaar ka mida xildhibaannada kasoo jeeda Galmudug ee ka tirsan Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Xildhibannadan oo uu ka mid ahaa C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo shalay ku dhawaaqay inuu u sharxan yahay xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa Ra’iisal wasaare Kheyre ka dalbaday in doorashada Galmudug ay noqoto mid si xor iyo xalaal ah ku dhacda, isla markaana aysan wax faragelin ah ku yeelan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qaar ka mida xldhibaanada kulanka ka qeyb galay ayaa sheegaty in looga hadlay sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhanyahay. Qodobadii kulankaas looga wada hadlay si buuxda ayaa la iskula afgartay.
“Waxaan maanta aniga iyo Xildhibaannada Saaxibadey ah ee ka tirsan golaha shacabka aan kulan kula qaadanay Xafiiskiisa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, kulankan oo aanu soo ajiibnay, markii uu Ra’iisul Wasaaruhu inoogu yeeray Xafiiskiisa, sallaan kaddib waxaan si gaar uga wada hadalnay Geeddi socodka dhismaha dowlad goboleedka Galmudug, iyo sidii Maamul loo dhan yahay loogu dhisi lahaa, doorasho xor iyo xalaal uga dhici laheyd..” ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Odowaa oo farriin soo dhigay baraha bulshada.
Kooxda Damjadiid iyo xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh ayaa Galmudug u arka maamul uu si fudud ugu guuleysan karo musharaxooda hadda ah xildhibaanka ka mida Baarlamaanka ee C/raxmaan Odowaa oo ah siyaasi miisaan culus, waxaaan weli maqan musharaxii kooxda N&N Galmudug.




