Monday, March 24, 2025

Xildhiban Kulane: “Dagaalka Shabaab waxaa lagu qarinayaa Musuqmaasuqa iyo dhaca socda..”

Xildhibaan C/llaahi Aadan Kulane ayaa ku eedeeyay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inaysan daacad ka ahayn dagaalka Alshabaab, balse dagaalkaasi loo galay in indhaha shacabka looga jeediyo Musuqmaasuqa baahsan ee dalka ka socda.

Xildhibaan Kulane oo ka mid ahaa gacan-yareyaashii Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in Dagaalka lagula jiro Al-Shabaabuu lahaa fursado gaar ah oo loogaa adkaan karo Al-Shabaab, balse uu hadda isu bedelay fashil.

Wuxuu soo qaatay hadal uu shalay jeediyay guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte, isagoo sheegay in Qeyla-dhaanta Cali Jayte ay tilmaan u tahay baaxadda guul-darrada taagan, sida uu yiri.

Ad

“Qirashada hogaamiyaha Macawisley oo ah in aysan sii wadi karin dagaalka waa jab weyn oo horseedi kara khatara badan. Waxaa muuqata in dowladda dhexe ay awalba dagaalka ugu jirtay inay indhaha shacabka kaga jeediso dhaca iyo musuqmaasuqa baaxadda leh ee wadanka ka socda!” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan C/llaahi Aadan Kulane.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON