Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay kulankii dhowaan dhex maray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo hoggaaminaya Madasha Xisbiyada Qaran iyo Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji oo wakiil ka ahaa Madaxweyne Maxamed C/llaahi Framaajo.
Qoraal uu diray ayuu ku sheegay in kulankii Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha Hey’adda NISA Fahad Yaasiin ee ku dhexmaray hoyga Sheekh Shariif habeenimadii Jimcuhu soo galayey uu ka danbeeyey codsi ka yimid dhanka Md. Fahad Yaasiin.
“Kulankaas waxaa si hordhac loogu soo qaadey dhacdooyinkii dastuurka iyo shuruucda dalka hareer-marsanaa ee lagula kacey madaxdii hore ee dalka oo ah madaxda madasha xisbiyada qaran todobaadyadii la soo gudbey oo uu muujiyey Fahad Yaasiin sida uu uga xun yahey, iyo soo gudbinta codsi uu ka wadey Madaxweyne Farmaajo oo ku saabsan kulan dhexmara madaxda madasha iyo Md. Farmaajo maalmaha soo socda…” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo sheegay in Madasha Xisbiyada Qaran ay mabda’ ahaan aaminsan tahay in wadada ugu wanaagsan ee lagu xallin karo ismarin-waaga siyaasadeed ee dalka ka jira heer kasta oo uu yahey ay tahey wadahadal dhab ah.
Wuxuu ku eedeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu ka dhega-adaygayn sanadihii uu talada joogay, dhegehana ka fureysteen dhammaan dhawaaqyadii kala duwanaa ee waxgaradka Soomaaliyeed siyaabaha kala duwan uga soo baxayey, wuxuuna shaki weyn ka muujiyey dhabnimada wadahadal dhexmara madasha xisbiyada qaran iyo madaxda Villa Soomaaliya ka dib hadalkii aflagaadada ahaa ee Md. Farmaajo uu ka yiri magaalada Nairobi, sida uu qoraalkiisa ku sheegay xildhibaanka.
Xildhiban Fiqi ayaa sheegay in shaki ku jiro dhabnimada wadahadalka oo ay ka doonayaan taatiko ay culeysyada jira isaga yareynayaan, ayna rabaan oo kaliya in beesha caalamka iyo umadda Soomaaliyeed ay tusiyaan.
Wuxuu ku adkeystay in Madasha xisbiyada qaran ay sii kordhin doonaan howshooda illaa laga gaarayo ujeedooyinka ay u taagan tahay oo ah ilaalinta dastuurka iyo shuruucda dalka u yaalla, qabashada doorasho daahfiran oo hanaankeeda la isku waafaqey sanadka 2020/2021.