Wednesday, October 16, 2024

Xildhibaanno weerar culus ku qaaday Qoorqoor (Hubkii la boobay oo halis bannaanka keenay…)

Hub ka yimid Itoobiya oo dhowaan maleeshiyada degaanka Caabudwaaq kala wareegeen ciidamada NISA ee Galmudug ayaa soo shaac bixiyay khilaaf ka taagan doorashada Galmudug.

Hubkan oo ilaa hadda aan la shaacin cidda lahayd iyo qaabka uu Itoobiya uga yimid ayaa u gacan galay maleeshiyada iyo dadka Caabudwaaq, waxaana dagaalka lagu furtay u dhintan ku dhowaad 15 qof, balse wuxuu dhaliyay mowjado siyaasadeed oo koox kasta ay danaheeda u adeegsatay.

Siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka soo jeeda Galmudug ayaa Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ku eedeeyay inuu adeegsanayo dad baraha bulshada ka aflagaadeeya siyaasiyiinta degaanka ee doonaya inay u tartamaan xilka Madaxweynaha Galmudug.

Ad

Eedeynta ugu weyn waxay ka timid Xildhibaannada kala ah: Saabir Shuuriye Nuur iyo C/ramaan Cagaweyne oo qoraallo ku weerarray Madaxweyne Qoorqoor, iyagoo eedo waaweyn u jeediyay.

Qoraalka Xildhibaan Saabir Shuuriye halkan ka akhriso:

“Waxaa wax lala yaabo ah in nin ummad dhani ay hoggaan dowlad goboleed ku aaminatay oo hadana uu hada waqtigiisii dastuuriga ahaa dhammaaday in uu inta badan waqtigiisa ku lumiyo kuna mashquulo isagoo weliba ku bixiyanaya xoolihii dadka tabaaleysan – magacdilka iyo cayda siyaasiyiin kula jira tartan siyaasadeed isaga oo adeegsanaya ciyaal facebook biil ka raadsada.

- Advertisement -

Waa nasiibdaro iyo maangaabnimo in uu u maciinsado dicaayad iyo warar beenabuur ah oo facebook lagu qaro in ay inaga hor istaagi karaan in Galmudug isbedel hoggaan lagu sameeyo.

Cayda iyo dicaayadda magacdilka ah waxa ay cadayn u tahay quusta iyo rajobeelka ku haya. Faanka iyo isboqrida Facebook gana waxaa isku sabarsiisa qof aan ogeyn in ay jirto maalin kale oo beri ah oo aad weli u baahan tahay in lagu beenfaaniyo.

Saaxiib waxaad sugtaa dhowaan waa isbedel iyo power transfer sababtoo ah waa hubaal in xil dadweyne aan SHARCIYAD LA’AAN IYO MAGACDIL DAD aan lagu sii joogi karin.”

Hoos ka aKhirso Qoraalka Xildhibaan C/raxmaan Cagaweyne:

- Advertisement -

“Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Galmudug oo iskubadalay ciyaal weero iyo in uu caayo dadka ay siyaasadda iskuhayaan, waxay cadeen utahay in uusan jirin xigmad kale oo kuhartay maamulkiisa, horay ayuu u curyaamiyay maamulka hadana waxa uu ka shaqeynayaa burburka Galmudug iyo inaysan waxba ka danbeeyn.

Waa maamulka kaliya uu kasocda afartiisa dhinac dagaallo qabiil oo Madaxweynaha xilka kadhamaaday uusan wax tilaab ah uqaadin in uu kala dhaxgalo dadka walaalaha ah waxa uuna waqtigiisa ugubadan kubixiyaa sidii uu bulshada ukala geenlahaa.

Soomalida ayaa horay ugu maahmaahday Afxumo gurigaaga ayay kaa saartaa guriga kalana kuma geeyso!. Waxaan leenahay Madaxweyne Qoorqoor Intaan kabadan sharci darro naguma hogaamineysid ee sharciyad la imow!”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON