Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo sheegay inay gaarayeen 70 Mudane ayaa ka hor yimid wax ka bedelka Dastuurka ee ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka.
Xildhibaannadan oo ay ka dhex muuqdeen Guddoomiyeyashii KMG ahaa ee labada Aqal ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen caawa Muqdisho ku sheegay in waxa socda ay yihiin Bedel Dastuur iyo Dastuur cusub ee aanay jirin dhammeystir ama wax ka bedel Dastuur.
Waxay xubnahan ku doodeen in hab khaldan loo marayo bedelka Dastuurka, isla markaana ay ka digayaan inuusan Dastuurku abuurin kala fogaashanaha Soomaalida, iyadoo ay ka maqan yihiin dowlad Goboleedyada, sida Puntland.
Xildhibaannada ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu joojiyo wax ka bedelka Dastuurka ee sida degdega ah loo wado.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Farmaajo iyo Sheekh Shariif ay ka digeen wax ka bedelka Dastuurka ee uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana hadda isku siyaasad noqday oo dhinac kasoo wada jeeda Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynayaashii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed.