Wednesday, September 18, 2024

Xildhibaanno taageeray Itoobiya oo lagu baaqay in Dacwad lagu soo oogo, lagana xayuubiyo..

Qaar ka mida xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay taageeray joogitaanka Itoobiya ee Soomaaliya, gaar ahaan degaanaada maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaannadan oo isugu jiray taageerayasha madaxweynihii hore Farmaajo iyo qaar aad ugu dhow Madaxweyaha K/Galbeed ayaa dood weyn ka dhaliyay Baraha bulshada, iyadoo si weyn loola yaabay sida ay ugu dhiiradeen inay si cad ula saftaan Itoobiya.

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo ka mid ahaa dadkii ka falceliyay arrintan ayaa ku baaqay laga sifeeyo Baarlamaanka xildhibaannada taageersan Itoobiya.

Ad

Wasiirka ayaa ku taliyay in xildhibaannadan lagu soo eedeyo Qiyaayaanno Qaran, lagana qaado xasaanadda. ”Waxaan soo jeedinayaa in baarlamaanka laga sifeeyo wakiilada Ethiopianka laguna soo eedeeyo Qodobka 208-aad ee xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (Qiyaano Qaran) si ay shacabka Soomaaliyeed ugu dhiiradaan inay ka hortagaan dhul-balaarsiga Ethiopia” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya.

Sidoo kale Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka Bashiir Macallin Cali ayaa sheegay inay weligeed soo jireen Shisheeye Kalkaal u shaqeeya cadawga.

“Kuwa nanaanka lasoo istaagay inay taageersan yihiin Itoobiyaanka ayna jecelyihiin Amxaarada Cadawgeenna ah waxay ku sifoobeen “KHAA’INUL WADANNIMO”  iyo dhamaan magacyada  xun-xun ee loo yaqaanno Calooshood u shaqeystayaasha jaajuusiinta u ah Itoobiya, iyagoo bar-madow ku ah BFS.” ayuu qoraalkiisa ku yiri agaasimaha.

- Advertisement -

Qaar ka mida xildhibaannadii kasoo muuqday shirkii jaraa’id ee lagu taageeray Itoobiya ayaa raaligelin bixiyay, halka qaar kale ay wajahayaan cambaareyn aan hore loo arag.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON