Tuesday, December 10, 2024

Xildhibaanno Su’aalo adag kala hor tegay Wasiirka Difaaca iyo xiisad hareysay…

Dood culus ayaa hareysay Hindise Sharciyeed ay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya hor geysay Golaha Shacabka oo xildhibaanno badan ay su’aal la keeneen.

Wasiirka Gaashandhiga Cqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa akhriyey heshiiska dhismaha ciidamada Heeganka Bariga Afrika oo Soomaaliya ka mid noqotay sanadkii 2014.

Wasiirka ayaa ka codsaday xildhibaannada inay in aad ansixiyaan Heshiiska Aas Aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika oo aan lahayn wax ka bedel, una baahan in la marsiiyo Baarlamaanka.

Ad

Waxaa ciidamada lagu aasaasay Heshiiskan ay ka kala imaanayaan dalalka: Soomaaliya, Burundi, Seychelles, Rwanda, Uganda , Jabuuti, Itoobiya , Kenya iyo Suudaan. Ujeeddada loo dhisayanaya waa in la helo ciidan ka jawaabi kara xaaladaha degdegga ah ee soo wajaha waddamada bariga Afrika.

Xildhibaanno badan ayaa wasiirka weydiiyay sababta xilligan loo keenay Heshiiska iyadoo muddo 8 sano ah lagu dhaqmayey, sidoo kalena ay Soomaaliya bixisay qaaraanka ururuka.

Xildhibaanno kale ayaa Wasiirka Gaashaandhigga weydiiyay Qarixii ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad, Heshiisyada aan Baarlamaanka la keenin ee lala galay dalal ay ka mid tahay Imaaraadka, iyo ciidamada Calooshood u shaqeystayaasha ee jooga Soomaaliya.

- Advertisement -

Fadhiga ayaa mararka baaq buuq hareeyay markii wasiirku diiday inuu ka jawaabo su’aalo aan quseyn heshiiska maanta, balse markii danbe ayuu ka hadlay Qaraxa ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad oo uu sheegay inay baaris ku socoto.

Waxaa kaloo fadhiga ka dhex muuqday xiisad u dhaxeysa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo xidlhibanaaada qaar oo muddooyinkan danbe fadhiyada ka cambaareeya qaabka hoggaaminta Guddoomiyaha iyo Sharciyada uu jebinayo sida ay ku doodeen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON