Sunday, May 25, 2025

Xildhibaanno & Siyaasiyiin oo si kulul u Cambaareeyay Xariga weriye Cali Adan Mumin, kana dalbaday..

Xildhibaanno iyo siyaasiyiin caan ah ayaa si weyn u cambaareeyay falka lagu xiray weriye Cali Aadan Muumin oo ka howlgala Warbaahinta Goobjoog oo maanta lagu xiray xarunta CID-da magaalada Muqdisho, kadib markii loo yeeray.

Xildhibaanadda iyo siyaasiyiinta oo kala ah: Xildhibaan C/raxmaan Odowaa, Xildhibaan Mahad Salaad, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa dalbaday in si degdeg loo sii daayo weriyaha, waxayna falka lagu xiray ku tilmaameen sharci darro iyo tallaabo muujineysa in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ay ku socoto dariiq keli-talisnimo ah.

HOOS KA AKHRISO QORAALLADA AY SOO SAAREEN

Ad

“Waxaan cambaareynaa xariga loo gaystay wariye Cali Aadan Muumin oo ah wariye dhalinyar kana tirsan Radio Goobjoog. Xariga iyo caga juglaynta saxaafadda waa calaamado aan u fiicney dowladnimada Soomaaliyeed. Waxaan ugu baaqayaa haya’adaha amniga ee Xukuumadda in Cali si dagdag ah loo siiyo Xorriyaddiisa”. -Xildhibaan C/raxmaan Odowaa-

“Waxaan canbaaraynayaa xariga sharci darida ah ee loo geystay wariye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan Idaacada Goobjoog. Dawlada uu hogaanka u yahay Madaxweyne Farmaajo waxay caado ka yeelatay cadaadis, caburis, kala qaybin, cagajuglayn, laalush iyo cabsigelin lagu kaco saxaafada. Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah xoriyadiisa loogu soo celiyo Wariye Cali Aadan. Xoriyada warbaahinta waa xaq dastuuri ah, waa tiir udub dhexaad u ah dimoqoraadiyada, waana awooda afraaad ee dheelitiranka xukunka. -Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame-

- Advertisement -

“Wariye Ali Adan Mumin in aragtidiisa oo uu soo bandhigay qarniga 21-aad uu ku mutaysto xabsi iyo xorriyad ka qaad waa xadgudub dastuurka dalka, xaqqa asaasiga ah ee qof ahaaneed iyo xoriyadda saxaafadda loo geystay!. Taliska Farmaajo in umadda lugaha, cunaha iyo afka uu qabto wuxuu u arkaa “qab soo noqday” iyo dawladnimo, waana dhaqan faashiistenimo oo addduunka ka ciribtirmey. waxaan codkayga ku biirinayaa inta xorriyada garabka u ah, in xorriyadiisa dib loogu soo celiyo wariyahaas garadarada lagu xiray. -Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi-

“Waxaan canbaaraynayaa xariga sharci darida ah ee Wariye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan warbaahinta Goobjoog. Waxaanan ugu baaqaynaa hay’adaha amniga in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah xorriyadiisa ugu soo celiyaan Wariye Cali Aadan Muumin. Xariga Wariye Cali Aadan Muumin wuxuu daliil cad u yahay siyaasada kaligiis taliyenimada ah ee uu higsanayo Maamulka Madaxweyne Farmaajo ee lagu caburinayo warbaahinta madaxa banaan iyo wariyeyaasha fara ku tiriska ah ee diiday laaluushka Villa Soomaaliya. – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad-

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON