Kalfadhigii saddexaad, fadhigiisii koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa la hor keenay mooshin muddo kordhinta Madaxweynaha iyo Labada aqal ee Baarlamaanka oo in muddo ah si hoose ku scoday.
Mooshinkan oo soo bilowday Bishii Febraayo, loona saaray guddi uu madax u yahay Ra’iisal wasaare ku xigeenkii hore Mahdi Guuleed ayaa maanta lagu soo daray ajandihii fadhiga baarlamaanka, waxaana doodiisa bilaabay xildhibaannada.
Mooshinka muddo kororsiga waxaa difacaaya xildhibaano ay ka mid yihiin wasiirada xukuumadda ku jira, waxaana si adag uga horjeestay Xildhibaanno badan oo sharci darro ku tilmaamay Mooshinka.
Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa sheegay in Mooshinka muddo kororsiga uu sharci darro yahay, isla markaana aanu waafaqsaneyn habka mooshinnada, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay in xilligan muddo kororsasho laga fekero.
Xildhibaan Xasan Yare ayaa isna ka hor yimid mooshinka muddo kordhinta, isagoo sheegay inay tahay howl u taalla Guddiyada wax ka bedelka Dastuurka, halisna ku yahay dagaalka Alshabaab oo lagu mashquulayo, mooshin iyo arrimo siyaasdeed.
Xildhibaan C/casiis Xiddig ayaa sheegay in Mooshinka uu ka khaldan yahay haddii loola jeedo in dowladda hadda jirta loo kordhiyo mudadda, laakiin ay tahay in dowladda soo socota ay ka bilaabato.
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ka hor yimid Mooshinka isagoo taageeray aragtidii Xildhibana C/qaadir Cosoble, wuxuuna sheegay in mooshinka uu saxiixay aanu ahayn in dowladda hadda joogto xilka loo kordhiyo, balse uu ahaa in dowladda soo socota xilkeedu noqdo 5 sano.
Dood culus ayaa ka socota Golaha Shacabka, iyadoo marka qaar uu buuq hareynayo Baarlamaanka, sida dhacday markii uu xildhibaan Macalimuu guddoonka ku eedeeyay in Guddoomiye ku xigeenka labaad soo diraan marka Arrin masiiri ah laga hadlayo.