Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa Mooshin degdega u gudbiyay Guddoonka Golaha, kaasoo ku saabsan Cabashada Ganacsatada iyo Gaadiidleyda Muqdisho ee ku saabsan Canshuuraha lagu soo rogay.
Mooshinka oo fadhigii maanta laga akhriyay Baarlamaanka ayaa ku saabsan inuu Baarlamaanku ka hadlo, go’aanna ka soo saaro dhibaatooyinka heysta dadka Muqdisho, sida Ganacstada iyo Darawallada Mooto-Bajaajta oo bannaanbaxyo ka dhigay caasimadda Muqdisho.
Kadib cod loo qaaday in Mooshinka lagu daro ajendaha maanta ee Golaha ayaa lagu taageeray Mooshinka, waxaana uu ka mid noqday ajendayaasha laga doodayo, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.
Xildhibaannada Mucaaradka ayaa Mooshinkan soo diyaariyay, waxaana muuqata inay cadaadis kale ku saarayaan xukuumadda.