Kulankii maanta ee Golaha Shacabka aya Guddoonka Baarlamaanka la hor geeyay Mooshin ay ku saxiixan yihin 22 xildhibaan oo ku ssaabsan xaaladda Amiga dalka.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa soo diyaariyey Mooshin culus oo ku saabsan Xaaladda Amniga dalka iyo Xasaanadda Xildhibaanada, iyago dalbaday in dib loo dhigo Ajandayaasha kale, lana bilaabo doodda Mooshinka.
Kulanka maanta ayaa ajandihiisu wuxuu ahaa qeybinta iyo akhrinta 1aad ee Hindisa Sharciyeedka Korantada & Warbixin Xildhibaanada qaarkood ka jeedin lahaayeen Golaha, balse xildhibaanno ka careysan baaritaan lagu sameeyeen iyo xaalad amni oo ay wajaheen ayaa furay ajendaha cuusb ee xaaladda Amniga iyo xasaanadooda.
Xildhibaannada ayaa bilaabay dooda Amniga, iyagoo sheegay in xildhibaannada ay wajahayaan halis amni oo lagu xad-gudbayo xasaanadooda, isla markaana ciidamada ay baarayaan xildhibaannada ayna sawirtaan aqoonsiyadooda.
Xildhibaan Maxamed Abuukar oo ka mida xildhibananadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuusan jirin isla xisaabtanka saraakiisha ciidamada, ayna jiraan Saraakiil joogta hal kontorool oo leh 10 Guri, dalxiisna u taga dalalka dibadda.
Xildhibaan Maxamed Cabdiraxman oo ka mida Golaha Shacabka ayaa sheegay in ciidamada Amniga ay ku xadgudbaan Xildhibaano, ayna ka darran taay sida loola Dadka Shacabka aj ee Soomaaliyeed, wuxuuna dalbaday in Madaxda Xukuumadda iyo Hay’adaha Amniga la horkeeno Baarlamaanka oo lala xisaabtamo.
Waxaa kaloo kulanka maanta ka hadlay xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo si weyn uga dooday xaaladda Amniga ee kasii dareysa caasimadda Muqdisho, waxaana dood weyn ka dhalatay arrinta Amniga.
Xildhibaan Maxamed Xasan Murjaan ayaa dalbaday in loo yeero Wasiirada Amniga, arrimaha gudaha, cadaaladda, agaasimaha NISA iyo Taliyeyaasha Booliska iyo Milateriga, isagoo sheegay isagoo xildhibaan ah in la weydiiyay ID, lana sawirtay.
“Waxaa la iga qaaday ID-Kaarkeygii, waa la sawirtay waxa lagu sameynayo ma aqaano, waa in Baarlamaanka la horkeeno Mahad salaad, Xijaar iyo Odawaa” ayuu yiri xildhibaan Murjaan.