Friday, April 12, 2024

Xildhibaanno lagu doortay Magaalada Jowhar iyo codadkii ugu badnaa oo xumaaday Kursigii koowaad

Waxaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedla Hirshabelle ka dhacday doorashada labo kursi oo ka mida kuraasta Gollaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.

Kuraasta lagu tartamayo ayaa kala ah: HOP#070 iyo HOP#115, waxaana mid kasta ku tartamaya laba musharax oo kaliya, taasoo hadda noqotay in kuraasta Golaha Shacabka lagu doorto.

Kursiga HOP070  waxaa maanta ku tartamay C/raxmaan Maxamed Sheekh iyo Maxamed Xasan Bariiise, waxayna natiijadii noqotay inuu C/raxmaan Maxamed Sheekh helay 71 Cod. halka musharax Maxamud Xasan Sheekh Maxamuud Bariise uu ka helay 14 cod. Waxaa xumaaday codadkii ugu badnaa oo gaaraya 13 cod.

Ad

Kursiga HOP115: waxaa ku tartamaya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo hore ugu fadhiyey kursiga iyo Musharaxa Mulki cabdullahi islow.

Musharax Xildhibaan Mulki Cabdullahi Islaaw ayaa ka hartay tartanka Doorashada, waaana cod gacantaag ah 86 ergo kalsoonida siiyay xildibaan Cali Maxamed Cumar, iyadoo uu ka aamusay hal qof..

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON