Tuesday, December 3, 2024

Xildhibaanno kasoo jeeda Puntland oo mooshin ku diiday ansixinta xubno uu magacaabay Rooble

Xildhibaanno kasoo jeeda Puntland iyo Jubbaland ayaa diiday, kana hor yimid ansixinta xubno uu soo magacaabay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka mid noqon lahaa laba xubnood ee Guddiga madax-banaan ee dib-u-eegista iyo hir-gelinta Dastuurka.

11 xildhibaan oo ay ka dhex muuqdaan xildhibaannada kasoo jeeda Puntland ayaa guddoonka Golaha Shacabka u gudbiyey mooshin ay ku dalbanayaan in arrinta labada xubnood laga doodo oo aysan waafaqsaneyn, taasoo keentay in dib loo dhigo ansixinta labadaas qof oo maanta cod loo qaadi lahaa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheikh Adan Mohamed Nuur oo soo jeediyey ansixinta iyo dhaarinta laba xubnood ee Guddiga madax-banaan ee dib-u-eegista iyo hir-gelinta Dastuurka, kuwaas oo ka kooban labo xubnood waxayna kala yihiin ayaa markii mooshinka laga keenay dib u dhigay arrintaasi.

Ad

Labada xubnood ee la ansixin lahaa waxay kala ahaayeen:

1- Xaliimo Jaamac Afrax

2-Qareen Daahir Xasan Cabdi

- Advertisement -

Xubnahan oo uu soo magacabay Ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble, ayaa si gaara waxay xildhibaannada Mooshinka keenay uga horjeedeen Xaliimo Jaamac Afrax oo awood qeybsi ahaan ay doonayeen in la bedelo.

Mooshinkan ayaa aha kii ugu horeeyay ee Baarlamaanka 11-aad, waxaana hore arrintan uga hadlay qaar ka mida xildhibaannada oo ka hor yimid in xukuumadda xilgaarsiin ah ay magacaabis sameyso xilligan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON