Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kasoo jeeda degaana K/Galbeed aya loo ogolaaday inay xarunta NISA ee magaalada Muqdisho ku booqdaan Mukhtar Roobow Cali.
Mukhtar Roobow oo ay ciidamda Itoobiya kasoo xireen magaalada Baydhaba, kadibna u gacan geliyaan Ciidamda Nabadsugidda iyo Sirdoonka NISA ayaa dib loogu soo celiyey magaalada Muqdisho, isagoo lagu celiyay xabsigii lagu hayey ee xarunta weyne ee loo yaqaan Habar-Khadiija, si looga reebo doorashadii Madaxweynaha K/Galbeed oo la rumeysnaa inuu ku guuleysanayo.
Xildhibaannada la kulmay Sheekh Mukhtar Roobow ayaa sheegay inay xaaladiisa wanaagsaneyd, waxa dhibaato ahna aanu qabin, marka laga reebo jug ay u geysteen ciidamada Itoobiya xilligii laga soo qabtay Madaxtooyada magaalada Baydhaba.
“Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka koonfur galbeed yo intii ka welwelsaneyd Mukhtaar Robow waxaan idinla wadaagayaa inay maanta ii suurowday inaan la kulmo. Caafimaadkiisa wuu fiicnaa wax dhib ahna ma qabin meel jawigeeeda degana yahay ayuu joogay oo amni ah..”” ayey tiri xildhibaan Xaniifa Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahayd xildhibaanadii booqday.
Mukhtaar Roobow ayaa la sheegay inuu farriin u dhiibay xildhibaananda, isagoo la hadlaya shacabka K/galbeed, gaar ahaan taageeeriyaashiisa, taasoo ahayd: Waan fiicanahay wax dhib ahna ma qabo xaalka hala dejiyo…”
Wararka ayaa sheegay in dib loo furi doono wadahadalkii u dhaxeeyay Mukhtaar Robow iyo dowlada Soomaaliya, iyadoo ay arrintiisa soo dhex galeen xildhibaannada labada Gole ee kasoo jeeda K/Galbeed.