Xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka horjeeda madaxweyne Xasan Sheekh iyo Qorhihiisa wax ka bedelka Dastuurka ayaa maanta caasimadda Muqdisho uga dhawaaqay Kutlad cusub.
Kutladan oo lagu magacaabay Toosin Qaran ayey ka dhex muuqdeen xildhibaano tobaneeyo ah, waxayna shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegeen inay u taagan yihiin ilaalinta Dastuurka dalka iyo sidii loo toosin lahaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan Khaliif Cumar Cabdi ayaa akhriyay war-saxaafadeedkii ugu horeeyay ee Kutladan soo saartay oo ay ku sheegeen inay u taagan yihiin ilaalinta Dastuurka, kana horjeedaan go’aanadii Madasha Qaran ee Wadatashiga.
“Annagoo ah xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee JFS waxaan taaganahay ilaalita dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka, ujeedada guud ee Kutdlada waa metalaadda shacabka Soomaaliyeed, isla xisaabtanka iyo kor-joogteynta hay’adaha dowladda, dajinta iyo ilaalinta shuruucda dalka” ayuu yiri Khaliif Cabdi Cumar.
Kutladan waxay caddeysay inay ka walaacsan tahay qoddobadii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran oo ay sheegeen inaanloo dhammeyn, kana hor imaanayey dastuurka iyo heheshiiyadii ay Soomaali wax ku dhisatay.