Dood kulul ayaa maanta ka dhalatay xaaladda Amniga xildhibaannada iyo Xarunta Golaha Shacabka oo la sheegya in ciidamo cuusb la keenay, iyadoo meesha laga saaray in ka badan 50 askari oo ka mida ilaaladii hore.
Xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego ayaa kulankii maanta ka sheegay in Amnigoodu uu halis ku jiro, kadib markii ilaalada looga reebo barta ilaalada Madaxtooyada, markii ay yimaadeen xarunta Villa Hargeysana ay ku arkeen ciidamo aanay garaneyn oo cusub.
Xildhibaanka ayaa dalbaday in lasoo celiyo ciidamadii hore, wuxuuna welwel ka muujiyey in ciidamo aan la aqoon waxa ay yihiin ay joogaan xarunta Baarlamaanka.
Hab-dhowraha Baarlamaanka xildhibaan Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa u jawaabay xildhibaan Jeego, isagoo sheegay in ciidamada jooga xarunta baarlamaanka ay yiiin kuwii ku sugnaa ilaa sanadkii 2103, warka uu sheegayna uu iska hubiyo, taasoo uu siidya xildhibanaka.
Dhinaca kale Xildhibaan Yaasiin C/llaahi Farey ayaa Golaha ka shegeay in halista Amniga ee Baarlamaanka ay sareyso, iyadoo lagu jiro xaalad adag, wuxuuna Guddoonka Baarlamaanka ka dalbaday inay arrinta Amniga xidhibaannada tallaabo ka qaadaan, haddii ay jirana xildhibaanno laga shakisan yahayna aan loo sharaf dilin dhammaan xildhibaannada.
Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka ayaa looga doodayey wax ka bedelka Xeerhoosaadka Golaha Shacabka oo muddo xileed kasta isbedel lagu sameeyo, waxaana hareeyay xaaladda Amniga ee xildhibaannada iyo Golaha Shacabka.