Tuesday, December 3, 2024

Xildhibaanno Gudbiyay Mooshin Degdega iyo Arrintii Hubka oo gaartay Baarlamaanka

Qaar ka mida Xildhibaanada Glolaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa Mooshin cusub u gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka, iyagoo dalbaday in isla fadhiga maanta looga hadlo.

Mooshinka degdega ah ayaa ku saabsan inuu Golaha Shacabka go’aano kasoo saaro waxaa Hubka soo galay Gobolka Galgaduud ee maleeshiyada degaanka Caabudwaaq ay boobeen, kadib dagaal dhimasho iyo dhaawac leh.

Mooshinkaas oo cod loo qaaday, waxay inta badan xildhibaannada isku raaceen in ajendaha manata lagu daro Mooshink Hubka iyo wixii ka dhacay Galgaduud, waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe uu ku dhawaaqay in ajendaha koowaad kadib oo ah fadhiga Isniinta la geli doona dooda Mooshinka cusub.

Ad

Hubkii ka yimid Itoobiya ee maleeshiyada degaanka Caabudwaaq ay boobeen ayaa xiisad siyaasadeed iyo saameyn abuuray, waxaana hadda doodiisa ay gaartay xidhibaannada Golaha Shacabka oo muddooyinkan danbe ku jiray gadood xoog leh.

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya iyo Golaha Amniga Qaranka ayaa go’aano kasoo saaray falkii Caabudwaaq iyo Arrinta Hubka ka yimid Itoobiya e la boobay, balse waxaa muuqata inay hadda faraha la galeen xildhibaannada Golaha Shacabka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON