Thursday, April 24, 2025

Xildhibaanno dalbaday Baaritaan madax bannaan oo lagu sameeyo Geerida G/Dhexe Cabdi Cali Seed & Wararkii ugu danbeeyay.

Shaki ayaa hareeyay qaabka uu u dhintay sarkaalkii ka tirsanaa Booliska ee shalay meydkiisa laga helay xerada Booliska Sheelare ee degmada Xamarajab, kadib markii la sheegay inuu is daldlay, waxaana kadib in sarkaalkan la dilay, balse geedka lagu xiray geeridiisa kadib,

Marxuumka G/Dhexe Cabdi Cali Seed oo ka tirsana ciidamada Booliska ayaa xaaskiisu sheegtay inay ka warheleen geeridiisa, iyadoo beenisay inuu is-dilay, waxayna faahfaahin ka xaaladda ku wareegsan geeridiisa oo ah in lagu amray inuu ka guuro xerada, ayna socotay dacwad ku saabsan arrintaasi.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa ka hadlay kiiskan, waxaana ay ku baaqeen in baaris rami ah ama madax bannaan lagu sameeyo geerida Cabdi Cali Seed, iyagoo shaki weyn ka muujiyey suuragalnimada inuu is-dilay.

Ad

“Waxaan halkaan ugu baaqayaa ehelada marxuumka in ay samaystaan baaritaan ka Madax banaan kan ay ku baaqeen hey’adaha taliska Booliska Maadaama sida ka muuqatay ehelada marxuumku ay tuhunsan yihiin ku lug-lahaanshaha qeybo ka mid ah saraakiisha sare ee booliska…” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo arrintan ka hadlay.

Waxaa isna baaritaan dhab ay ku baaqay in kiiskan lagu sameeyo xildhibaan Cabdi-Saabir Nuur Shuuriye oo saraakiisha Booliska ay baaritaan dhab ah ku sameeyeen sababta keenay geeridiisa.

“Marxuum G/Dhexe Cabdi Cali Seed waxa uu ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Boliiska waxa uuna geeriyooday sida ka muuqata isaga oo ku guda jira waajibkiisii Qaranka isla markaasna xiran lebiskii ciidanka, waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta taliska ciidanka booliska iyo hay’adaha kale ee u xilsaaran in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan sida iyo sababta keentay geerida xanuunka leh ee Marxuum G/Dhexe Cabdi Cali Seed, warbixin dhameystirana ay la soo wadaagaan ehelada Marxuumka”ayuu yiri Xildhibaan Saabir.

- Advertisement -

Wararkii ugu danbeeyay ee kiiskan ayaa sheegaya inuu weli socdo baaritaanka hay’adda dembi baarista, isla markaana madaxda dowladda Somalia ay amar ku bixiyeen in kiiskan xaqiiqadiisa laga daba tago.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON