Wednesday, July 17, 2024

Xildhibaannada Mucaaradka oo Tallaabo culus ugu hanjabay Sheekh Aadan Madoobe

Xildhibaannada Mucaaradka ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Sheekh Aadan Madoobe, kulankaas oo fashil kusoo dhammaaday.

Xogt la helay ayaa sheegaysa in xildhibaannadan oo ku dhow 20 ay ay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe kala hadleen kalfadhiga shanaad ee Golaha iyo ajendooyinka horyaalla, iyagoo uga digay inuu golaha kusii wadi karin sidii labadii sano ee hore uu ku maamulay.

Dood adag oo dhex martay Sheekh Aadan Madoobe iyo xildhibaannadan ayaa keentay in xaaladu gaarto meel adag, waxayna ka dalbadeen guddoomiyaha inuu Golaha ku hoggaamiyo si ka madax bannaan Madaxtooyada iyo xukuumadda.

Ad

Xildhibaannada ayaa ugu hanjabay Sheekh Aadan Madoobe haddii uu ku socdo rabitaanka Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay xiri doonaan fadhiyada Golaha, isla markaana ay xaaladu faraha ka bixi doonto.

Xildhibaannada Mucaaradka ee xiligan oo intooda badan kala taageera Madaxweynayaashii hore Maxamed Farmaajo iyo Sheekh Shariif ayaa ku cadaadinaya Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe inuu la shaqeeyo dhinacooda, iyagoo qorsheynaya Mooshin ka dhan ah Xukuumadda iyo mid kale oo ka danbeeya kuna wajahan Madaxweynaha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON