Xidhibaannada Mucaaradka Xukuumadda Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa furay ololihii ugu weynaa ee looga horjeedo Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre, waxayna shir jaraa’id qabteen maalintii ugu horeysay ee furitaanka kalfadhiga cusub.
Xildhibaannadan oo u badan taageerayaasha madaxweyneyaashii hore ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa warbaahinta u akhriyay war-saxaafadeed ay ku faahfaahiyeen fashilka xukuumadda, gaabiska dagaalka Alshabaab iyo musuqmaasuqa baahay ee ka dhex jira dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.
Xildhibaannada warbaahinta la hadlay ayaa soo bandhigay eedeyo ku saabsan in xukuumadda Ra’iisal wasaare Xamse ay tahay fadhiid aan waxqabad lahayn oo la gaaray xilligii meesha laga saari lahaa, waxayna wararku sheegayaan in Mooshin ka dhan ah Ra’iisal wasaaraha lagu soo diyaariyey dhowaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Waxay xildhibannada soo qaateen musuqa baahay ee dowladda ka jira, sida dhulalka danta guud oo ay sheegeen in loo gacan geliyay shaqsiyaad dowladda ku dhow iyo in ciidamada loo dhiibay saraakiil aan aqoon lahayn sidaasina lagu laayay, waa sida ay ku doodeen.
Arrintan ayaa bilow u ah kacdoon ay Baarlamaanka Federaalka ka dhex bilaabeen xildhibaannada Mucaaradka, kaasoo aan la ogeyn saameynta uu yeelan doono.