Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Xalay ay magacaabeen Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay in 169 Mudane ay meel mariyeen Guddiga, ayna diideen diideen 6 kale, xilli ay Buuq iyo fowdo hareeyeen fadhigii Baarlamaanka.
Xildhibaannda taageersan Axmed Madoobe oo ka yimid magaalada Kismaayo ayaa fowdo ka sameeyay fadhigii Baarlamaanka, iyagoo soo qaatay Firimbi ay doonayeen inay ku carqaladeeyaan kulanka.
Wuxuu Guddoonka Baarlamaanka ku dhawaaqay in la ansixiyay Guddiga Doorashada iyadoo ay socoto fowdo xoog leh oo xildhibaan ka mida Golaha Shacabka uu dhiig ka daadiyay askari ilaalo ahaa, markii uu u gacan qaaday.
Guddiga Doorashooyinka Qaran iyo Soohdimaha ayaa sida ku shaqo gelayaa, waxaan laga sugayaa inay diyaarinayaan Doorasho Qof iyo Cod ah, iyadoo uu jiro khilaaf xoog leh oo ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.