Sunday, March 23, 2025

Xildhibaannada Digil & Mirifle oo bilaabay ololaha Qofkii lagu bedeli lahaa Guddoomiye Jawaari & Wararkii ugu danbeeyay

Shirar kala duwan oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa xildhibaannada kasoo jeeda Beelaha Digil & Mirifle uga doodeen qofkii bedeli lahaa Guddoomiye Jawaari oo u muuqda inuu xilka banneyn doono.

Xildhibaannada Digil & Mirifle oo ah kuwa ugu tirada badan ee wada mooshinka kalsooni kala noqoshada Guddoomiye Jawaari ayaa hadda isku yahay cidda lagu bedelayo ee xilka guddoonka Baarlamaanka u qaban doona beeshani.

Madaxweynaha Maamulka K/galbeed ayaa la sheegay inuu wato laba musharax oo uu doonayo inuu midkood xilkaasi qabto, halka madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre la sheegay inay taagerayaan musharax kale.

Ad

Musharixiinta xilka Jawaari doonaya ayaa kala ah: Sheekh Aadan Madoobe, Maxamuud Macalin Yaxye, Shariif Cabdalla, Xuseen Maxamuud Sheekh, Maxamed Mursal Sheekh iyo xubno kale oo rajo ka qaba xilkan.

Iyadoo ay weli socdaan wadahadal lagu doonayo in lagu qanciyo guddoomiye Jawaari oo ay jirto rajo laga qabo inuu xilka banneeyo ayaa haddana waxaa sii bilowday ololaha loogu jiro xilka uu weli ku fadhiyo mas’uulkii loo doortay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON