Xildhibaannada kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle ayaa maanta shir gaara ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo dalbaday in muddo 24 saac ah lagu magacaabo xilka Ra’iisal wasaare ku xigeenka labaad ee xukuumadda Soomaaliya.
Xildhibaannadan oo tiradoodu ku sheegay 50 Xildhibaan oo Digil iyo Mirifle ah ayaa sheegay in shir ay ku yeesheen Villa Hargeysa, ayna isla garteen tallaabada ay qaadayaan haddii aan muddo 24-saac lagu soo magacaabin Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen labaad oo Raxaweyn ah.
Qoraalka kasoo baxay xildhibaannadan laguma sheegin nooca ay noqon doonto tallaabada ay qaadi doonaan, balse waxay maanta ka baaqsadeen ka qeybgalka fadhigii Baarlamaanka.
Arrintan ayaa timid kadib markii beesha kale ee Dir ay hor istaagtay in jagadan cusub la magacaabo, iyadoo cadaadis saartay xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.