Monday, December 9, 2024

Xildhibaannada Beesha Ikraan Tahliil oo dalbaday in Dib loo furo kiiskeeda, una jawaabay Fahad

Xildhibaannada Beesha Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd Hay’adda NISA, lana waayey muddo sanad ah ayaa cambaareeyay warkii kasoo yeeray agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabteen lix xildhibaan oo ku heyb ah dhibanne Ikraan ayey ku dalbadeen in dib loo furo kiiska Ikraan Tahliil, isla markaana sharciga la horkeeno kuwii ka danbeeyay, iyagoo wax aan la qaadan karin ku tilmaamay eedeynta uu Fahad Yaasiin shirqoolka Ikraan dusha uga saaray Ra’iisal wasaare Rooble, Mahad Salaad iyo C/raxmaan Alcadaalla.

Xildhibaan Cali Xaaji ayaa yiri: “Kiiska Ikraan Tahliil waxa uu u egyahay kii Jamaal Kashoqji laakiin Qofkasta oo Kiiskan ku lug lahaada looma aaba yeeli doono, Gabdhaas iyo Dadkii kale ee la dhibaateeyey 5-tii Sano ee lasoo dhaafey waa inay helaan Cadaalad”.

Ad

Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Nuur ayaa sheegay inuu sinnaba uga baxsaneynin kiiskan agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin. “Soomaalidu waxay tiraahdaa Doofaarka dhoobaduu galaa Geedaha ayuuna iskaga sariibaa, hadda Fahad inuu iska tiro dambigii uu lahaa cid ka yeeleysana ma jirto, Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan leenahay Kiiska Ikraan waa in dib loo furaa”

Xildhibaannadan waxay baaq u direen dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna dalbaden in la furo kiiska , loona xilsaaro Guddi madax bannaan oo soo baara.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON