Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle waxaa saaka ka bilaabatay doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka.
Kursigii ugu horeeyay waxaa kusoo baxay Xildhibaan Yuusuf Ibrahim Afrah (Yuusuf Kabaale) oo hore ugu fadhiyey kursiga tirsigiisu uu yahay HOP33, isagoo helay 69 Cod, halka musharaxii la tartamayay ee Maxamed Xuseen Sabriye uu ka helay 22-cod, Waxaana xumaaday 6- cod, ergada ayaa gaareysay 97-qof.
Yuusuf Kabaale galaangal badan ku leh maamulka Hirshabeelle iyo maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana muddo ku fadhiyey kursigan ayaa waxaa dhacday in kursiga loo xiray, loona ogolaaday inuu ergada isagu keensado.
Maamulka Hirshabeelle oo hore loogu amaanay doorashadii Aqalka Sare ayaa hadda u muuqda inuu qeyb ka yahay boobka kuraasta Golaha Shacabka, waxaana la xaqiijiyey in dhammaan xildhibaannada lagu dooranayo Jowhar ay yihiin kuwo kuraastooda kusoo laabanaya oo gacan ka helaya maamulka.