Waxa goor fhoweyd lagu soo gabagabeeyay magaalada Jowhar ee xarnta maamulka Hirshabelle doorashada kursigii labaad e ee Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka.
Kursiga HOP005 waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Cumar Ceymoy oo hore ugu fadhiyey kursigan, markii uu goobta doorashada ka maqnaaday, lagana waayey musharaxii la tartamni lahaa oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cumar Cali, balse waxaa cod loo qaaday laba musharax oo midkood maqan yahay.
Natiijadii ayaa noqotay inuu xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy helo codad gaaraya 73, hala musharixii maqnaa ee Maxamed Cumar Cali uu helay 13 cod, waxaana xumaaday 7 cod, tirada guud ee ergada ayaa ahayd 93, sida uu shaaciyay Guddiga Doorashada.
Musharaxa maqan waxaa codadka u tirinayey xubin ka mida Guddiga Doorashada Hirshabeelle, arrintan oo ahayd mid ku cusub doorashada xildhibaannada ee xilligan ka socota maamul Goboleeyada oo qofka soo baxaya uu sameysto malxiis uu isagu wato.
Doorashada ka dhaceysa magaalada Jowhar ayaa ah mid loo xiray xildhibaannadii hore ugu fadhiyey kuraasta ay u rataayana, waxaana halkaas isgaa tegay dhammaan musharixiitnii la tartami lahaa, markii maamulka Hirshabelle ka reebay tartanka Doorahsad.