Wednesday, March 26, 2025

Xildhibaanka Bariga Mandheera oo kashifay halka ay joogaan ciidamada C/rashiid Janan & taageerada Kenya siineyso.

Xildhibaanka Cumar Maxamed Macallin oo laga soo doorto Bariga Mandheera, Waqooyi-Bari Kenya, sheegay inay xaalad cabsi ah ka jirto degaankiisa, kaddib markii dhinac ka mida magaalada fariisin ka sameysteen ciidamada taabacsan wasiirka amniga ee Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan) ee ka baxsaday dowladda Soomaaliya.

Xildhibaankan ayaa kashiday in dowladda Kenya ay fariisin ka siiday degaankiisa ciidamada C/rashiid Janan, taasina ay keentay inuu halis galo amniga degaanka Bariga Mandheera, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay inay Kenya gudaha dalkeeda ku heyso ciidamo kasoo cararray dalkooda oo hub wata.

“Meeshan ma ahan Soomaaliya oo waa Kenya dhexdeeda, marka ciidan aan Kenyan ahayn oo waddankoodii ka soo carayay iyagoo qoryahoodii wata ay la yimaadaan Kenya wax adduunka ka dhici kara ma ahan.. Haddii ciidan waddan kale uu ka soo cararro, waddan kale markii uu soo galo sida nidaamka ah waxaa waaye in qoryaha iyo hubka waxa ay wateen ay dowladda Kenya ku wareejiyaan ee ma ahan in xero la dajiyo oo shacabka dhexdiisa ah.” ayuu yiri Xildhibanka oo u warramay BBC-da.

Ad

Xildhibaan Cumar Maxamed Macallin ayaa owladda Kenya ku eedeeyay in garab siineyso ciidammada Cabdirashiid Janan, isagoo ugu baaqay in arrintaasi degdeg wax looga qabto, isagoo sheegay inay dowladda Kenya kala hadlayaan sidii Janan iyo ciidammadiisa deegaankaasi looga saari lahaa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON