Monday, March 24, 2025

Xildhibaanadii taageersanaa Guddoomiye Jawaari oo ku biiray ololaha doorashada Guddoomiyaha cusub

Iyadoo uu soo dhammaaday khilaafkii ka dhashay mooshinkii Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa waxaa durba soo bilowday ololaha doorashada Guddoomiyaha cusub.

Taageerayashii la safnaa Guddoomiye Jawaari ee la baxay Badbaadada Baarlamaanka ayaa dhinacooda ka galay ololaha, waxaan ka dhex muuqda xubno u dhowaa Guddoomiye Jawaari oo isu sharxay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibannadan oo si weyn u taageeray guddoomiye Jawaari, kuna mideysnaa inuusan is casilin ayaa hadda u muuqda inaysan  ku guuleysan inay isbaheysi ahaan u sii jiraan, waxaana xubnaha isu sharxay xilka guddoomiyaha ka mida Xildhibaan C/fataax Geesey.

Ad

Guddoomiye Jawaari ayaa la filaya inu Arbacadda Berri si rasmi ah ugu dhawaaqo is-casilaadiisa isagoo khudbad ka jeedin doona fadhiga Baarlamaanka la isugu yeeray oo gar u ah is-casilaadda Guddoomiye Jawaari.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON