Wednesday, April 23, 2025

Xildhibaanadii keenay Mooshinka Madaxweynaha oo qorshe fashilin ah u diyaariyay shirarka Barlamanka

Qaar kamida xildhibaanada Baarlamaanka ee weli ku taagan Mooshinkii xil ka qaadista Madaxweynaha  ayaa isu diyaarinaya saaka inay fashiliyaan furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka.

Xildhibaanada oo ka hor yimid qaabka uu guddoomiyaha Baarlamaanka u laalay mooshinkii madaxweynaha ayaa doonaya in dib loo soo celiyo mooshinkoodii, waxayna intooda badan isku raaceen inay qas ka abuuraan fadhiga Baarlamaanka oo markii la isku dayo in la furo ay hor is taagaan guddoonka kuna dhawaaqaan ereyo ay ku dalbanayaan in Mooshinkii Madaxweynaha la soo celiyo.

Qaar kale oo ka mida xildhibaanada keenay mooshinka ayaa iyagu doonaya inaan shirka laga qeybgelin, waxaana is barbar socda qorsheyaal ay xildhibaanadan ku doonayaan inay uga aargoostaan Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Ad

Haddiiba ay dhacdo in qas ka dhex abuurmo Baarlamaanka waxay halis ku noqoneysaa awoodii Baarlamaanka ee hiigsiga cusub taasoo horseedi doonta in Baarlamaanka iska xirnaado inta waqtigiisa ka hartay.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON