Saturday, January 25, 2025

Xildhibaanada Somaliya ee kororsaday Mushaarka oo Dood la’aan Ansixiyay Miisaaniyadda 2024

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal ayaa maanta ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2024, iyadoo aan wax dood ah laga gelin, marka laga reebo inay kororsadeen Mushaarkooda.

Miisaaniyaddan oo oo maanta lagu waday inay marto Akhrinta labaad oo laga doodo ayaa Guddiga Maaliyadda uu sheegay inuu wax ka bedel kooban ku sameeyay, taasoo aan la shaacin, balse ku saabsan inay kororsadeen Mushaarkooda.

Mushaarka xildhibaannada oo ahaa 3700 Dollar ayaa hadda noqday 5500 Dollar, wuxuuna xildhibaan kasta heli doona mushaar saafi ah oo gaaraya 5000 dollar, si la mida Wasiirada Xukuumadda Federaalka.

Ad

Arrintan ayaa ka danbeysay Mooshin ay saxiixeen in ka badan 150 xildhibaan oo ay ku doonayeen in mushaarka loo kordhiyo, kaasoo ay cadaadis ku saareen xukuumadda, waxayna ugu danbeyn maanta si degdega u ansixiyeen Miisaaniyadda 2024 oon wax dood ah la gelin.

Miisaaniyadda dowladda ee 2024 waxaa ansixiyay 186 Mudane oo labada Aqal ee Baarlamaanka ah, waxaana diiday 3 xildhibaan, iyadoo uu shirka Guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadcelyay Baarlamaanka ansixinta Miisaaniyadda, wuxuuna tilmaamay muhiimadda Miisaaniyaddani ay u leedahay Hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hadda gaba gaba maraya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON