Wednesday, October 16, 2024

Xildhibaanada Dir oo hor-istaagay Shirkii Golaha Wasiirada iyo Xiisad hareysay xafiisyada Madaxda Dowladda

Jahawareer iyo xiisad siyaasadeed ayaa Caawa hareysay xafiisyada Ra’iisal wasaaraha iyo Madaxweynaha Soomaaliya, kadib war laga faafiyay kulan gaara oo ay yeelan lahaayeen Golaha Wasiirada xukuumadda.

Wararka la helay ayaa sheegaya in la magacaabayo jago cusub oo ah ku-xigeenka labaad ee Ra’iisal wasaaraha, iyadoo awood qeybsi ahaan loo siiyo Beelaha Digil iyo Mirifle, waxayna arrintan dhalisay olole ay qaadeen xildhibaannada Beesha Dir oo ka horjeeda arrintan.

Tobanaan Xildhibaannada Dir ayaa tegay xafiska Ra’iisal wasaaraha, waxayna hor istaageen in la furo shirkii Golaha Wasiirada in muddo ah, kadib markii ay yeesheen kulan gaara, kadibna waxay tageen xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Ad

Xubnahan waxaa hoggaaminayay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Saalax Jaamac, gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Abshiroow iyo wasiirka Maaliyadda Biixi Iman, waxayna ka digeen in kursigooda ra’iisul wasaare kuxigeenka la awood tiro.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Xamse ku qanciyay xubnaha Beesha Direed inuusan jirin jago cusub oo la magacaabayo, balse kuma qancin xildhibaannada beesha oo kulan kale berri la yeelanaya Madaxweynaha.

Dhinaca kale xildhibaannada Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa wada olole dhinac kale ah oo ay ku doonayaan inay helaan jagada Ra’iisal wasaare ku xigeenka, waxayna arrintan u muuqataa inay wax ka bedeli doonto xaaladda siyaasadda dalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON