Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo ka mid aha xildhibaannada Golaha Shacabka ee kasoo keeda degaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in saaka laga reebay diyaarad ay u raaci lahayd magaalada Baydhaba.
Waxay sheegay in qof aan garaneyn uu ka hor istaagay Diyaaradii ay Garoonka ee magaalada Muqdisho ka raaci lahayd, isla markaana si ula kac ah looga hor istaagay safarkeeda, iyadoo ku eedeysan akari Nabadsugud ah.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Hay’adaha dowladda Federaalka iyo Laamaha amniga ee Garoonka Muqdisho, mana jiro xaqiiqo laga helay sababta safarka looga joojiyay xildhibaan Sareedo.
Xildhibaan Sareedo oo wareysiyo fara badan siiyay warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in si gaara loo beegsnayo xildhibaannada iyo dadka kasoo jeeda K/Galbeed, waxayna sheegtay inay burburtay dowladii Federaalka.