Madaxweynihii hore ee Soomaaliya xildhibaan Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in dowladda xilka heysa ay meelo badan ka gaabisay, qaar kalena horumar ka gaartay, isagoo beeniyay in isaga iyo xisbigiisa ay olole doorasho bilaabeen xilligan.
Isagoo wareysi siiyey VOA-da ayuu sheegay in dhinaca amniga uu ka mid yahay arrimaha ay ka gaabisay dowladda hadda jirta, isla markaana aanu wanaagsaneyn xiriirka ay la leedahay maamul goboleedyada, wuxuuna arrin lagu degdegay ku tilmaamay war-saxaafadeedkii lagu taageeray dowladda Sacuudiga ee kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Xasan Sheekh oo dhowaan tegay dalka Ingiriiska ayaa qiray in dowlada Soomaaliya ayaa ka hadlay hal qodob oo horumar ay ka gaartay, kaasoo ah kordhinta dakhliga gudaha.
HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA VOA