Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa shaaciyay inuu faraha ka baxay Amniga Caasimadda Muqdisho, kadib qaraxii xalay ka dhacay Maqaayad ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Xildhibaan C/risaaq C/laahi Macallin (Ciid) oo ka hadlay furitaankii kulankii Baarlamaanka ee maanta ayaa sheegay in muddo 72 saac ah ay Muqdisho ka dhaceen falal amni darro oo fashil ku ah amniga.
“72 saac ayaa kasoo wareegatay weerarkii Gudaha Xabsiga dhexe ka dhacay, xalayna waxaa la qarxiyay Maqaayad u dhow Xarumaha Hay’adda NISA iyo Madaxtooyada… Amniga aad ayuu Faraha uga baxay Amniga” ayuu yiri Xildhibaan Ciid oo ka mida xildhibaannada ku kacsan xukuumadda Soomaaliya.
Arrintan ayaa timid kadib qarixii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, 24 saac kadib weerarkii isna ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.