Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa dhaliilay sida uu ku socdo dagaalka Alshabaab ee wejigiisa labaad dhowaan la filayo inuu bilowdo.
Xildhibaanka ayaa sheegay in wejiga labaad ee dagaalka uu hoos u dhacay xamaasadiisa, lana yareeyay kaalintii dadka degaanka iyo xildhibaannada, taasina ay keentay inuu hoos u dhac ku yimaado.
Sanbaloolshe wuxuuna caddeeyay in guusha wejigii hore ee dagaalka Alshabaab lagu gaaray iskaashi ka yimid dhammaan dhinacyada, tasina aysan hadda muuqan.
Dhinaca kale wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in diyaar garow iyo dib u xoreyn ka socdaano degaanada Hirshabeelle iyo degaanada kale, iyadoo guud ahaan dalka uu dagaalku ka bilaaban doono.
“Degaan waliba oo la xoreynaayo dadkiisa waan ka talogelinaa, waanan la tashanaa, cid waliba inta ka quseysa waa ka qeyb qaadataa iyo qeybta ay ku leedahay.. Hadda waxaan rejeyneynaa in ina harsan nagala qeyb qaataan..” ayuu yiri Wasiir Jaamac oo ka jawaabay eedeynta ka timid xildhibaan Sanbaloolshe.
Wasiirka Gaashaandhigga iyo xildhibaan Sanbaloolshe oo wareysi siiyay VOA-da ayaa dhinaca kale isku raacay in Alshabaab loo kaashanayo cid kasta oo gacan laga helayo oo ay ku jiraan dalalka deriska.