Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa khayaano Qaran ku tilmaamau falka ay madaxda dowladda Soomaaliya u bareereen ee ah inay Caddow u gacan geliyeen muwaadin Soomaaliyeed.
Farriin uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ka tacsiyadeeyay falka dowlada Soomaaliya ku kacday ee ah in sarkaal ka tirsan ONLF oo lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) loo gacan geliyo Itoobiya.
“kadib markii aan xaqiijiyay Falkii lagu Eedaynayay Dowlada INaali laahi wa inaa ilahyi raajicuun”” Waxaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa falka xun oo khayaanada Qaran ah oo dawladda Soomaaliya madaxdeedu u bareertay ka dib markay caddaatay inay Mawaaddin Soomaali ah u gacan gelisay cadow shisheeye ah oo caawa hilbahiisa ay cunayaan waraabayaal gumayste kan ugu fool xun ah. Waxaan naftayda iyo inta waddaniyiinta ahba ka beri yeelayaa falkaas dabaqoodhinimada iyo basaasnimada ah. Mana ahan Falkan Foosha Mid layskaga Daba hari Doono Shacabka iyo wadaniyiinta Soomaaliyeed inteey Naftu ku jirto waa in la la xisaabtamaa Ragga khiyaanada Qaran sameeyay, ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.
Waxaa iska soo daba dhacaya qeylo dhaanta xildhibaanada iyo dadka shacabka ah ee ku saasban kiiskan oo naxdin ku riday dad badan, iyadoo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo aan laga fileyn arrin noocan oo kale ah.