Thursday, February 13, 2025

Xildhibaan Odowaa oo weerar Afka ah ku qaaday Wasiir Dubbe iyo Qorshihii uu ku tegay Gaalkacyo

Xildhibaanka dib loo doortay maanta ee C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa weerar afka ah ku qaaday wasiirka Warfaafinta xukuumadda xilgaarsiinta Cusmaan Dubbe oo uu sheegay inuu duullaan ku ahaa kursigiisa.

Odowaa oo ka hadlayey magaalada Gaalkacyo markii dib loogu doortay kursiga ayaa sheegay in Kursiga uu ku fadhiyey ee HOP069 aanu u adeegsanin danihiisa shaqsiga ah, sidaasina uu ku noqday kursiga kaliya ay 20 xildhibaan soo dooneen.

“Hal farriin ayaan u dirayaa saaxiibkey Dubbe, waxaan rabaa inaa iraahdo: Dubbe waad ogtihiin inay marar badan wax na dhex mareen. Kacaankii aan la dirirsanaa 5-tii sano ee lasoo dhafay ayuu Dubbe Afhayeen u ahaa.. Marka culeys halkaas ka yimid ayaan u maleynaa inuu ka yimid duullaankii uu soo qaaday ee ma hayn Nin kooxdii uu la socday ku niyad ahaa” ayuu yiri Xildhibaan Odowaa.

Ad

Wuxuu sheegay in Cusmaan Dubbe uu musharax malxiis ah u yahay xilka Guddpoomiyaha Aqalka Sare, taasina uu ka hortegi doono.

“Dubbe waxaan u sheegayaa cadkeyga inuusan cad fudud ahayn, Cadka Reer Mudugna aanu mid sahlan ahayn. Waxaan ogahay inuu Malxiis ka yahay Aqalka sare, waxaan ka shaqeynayaa malxiisnimadiisa saacadan laga bilaabo” ayuu yiri C/raxmaan Odowaa oo si toos ah farriin ugu diray wasiirka Warfafinta.

Wasiir Dubbe oo ah Senator la doortay ayaa magaalada Gaalkacyo u tegay ololaha doorashada ku-xigeenkiisa C/raxmaan Al-cadaalla oo isaga haray tartankii uu la geli lahaa C/raxmaan Odowaa.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON