Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Axmed (Abuukaate) oo ka mida xildhibaanada Baarlamaanka ayaa shaqaaqooyinkii shalay ka dhacay Muqdisho ku tilmaamay mid ku timid qorshe xumo iyo fudeydka madaxda ammaanka qaabilsan.
Xildhibaanka oo fekerkiisa ku biiriyay dooda ka taagan  taliyaha NISA iyo xildhibaano kale ayaa farriin uu soo diray ku sheegay in hubka la sheegay in la ururinayo aanay jirin cid lagu aamin karo sida muuqata.
HOOS KA AKHRISO FARRIINTA XILDHIBAANKA
QOFKA WAA INUU GARTO WAAJIBKIISA SHAQO ~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
Wixii shalay ka dhacay caasimada gaar ahaan faras magaalaha xuduntii magaalada waan ka tacsiyadeena intii dhimatay allaha u naxariisto inta dhaawacantayna allaha shaafiyo. Taas waxey ku dhacday qorsho xumada iyo kala danbeyn la’aanta madaxda amniga iyo fudeyed xoog leh oo jira. Hubka la leeyahay waxaa la aruurinayaa magaalada waxaa muuqaneyso ineysan jirin cid lagu aamni karo oo gacan aamin ah. Waa wada arkeynay waxii shalay Barqa cad dhacay magaalada ceebta iyo fadeexada. Aqoon-darrada iyo protocol xumada jirta waxaan arkay Wasiirka Gaashaandhiga iyo taliye oo dadka si siman u wadahadlaya oo dhahaayo waxa dhacay waa shil…! Taliye waa ciidan waxey aheyd dhigiiisa milateriga ama ku-simihiisa in ee wada qabtaan shirka jaraaid ama wasiirka Amniga iyo dhiggiisa Gaashandhiga, lkn ma aqaan awoodda la iskula dherer ekeysiinayo meel aysan gaarsiisneyn awoodihiisa mise afhayeenka xukuumada ayuu isu bedelay wasiirku..? Waa isaga wixii dhacaba dusha sii saaaranayee. Haddaaan qof kasta aqoonsan waajibkiisa halka uu shaqada ku leeyahay waxaa dhacaya wixii shalay madaxtooyda agteeda ka dhacday. Â YAAN MADAXDA DOWLADA DHAXDEEDA CADDOW LOOGAA SAMEYN. YAANAN FASHILKA HAY’ADAHA AMNIGA MADAXDOODA SAMEYNAYAAN YAAAN DADKA WAX KALE OO BEEN LOO TUSIN. CAGTII JOOGSAN WEYDO MARBEY MEEL XUN KU DANBEYN.
Xildhibaan Maxamuud Abukaato