Thursday, February 13, 2025

Xildhibaan Maxamed Abukar Islow oo mar kale ku guuleystay Kursiga HOP141 ee Golaha Shacabka

Waxaa caawa magaalada Jowhar ee xarunta caasimadda Hirshabelle lagu doortay kursi ka mida Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.

Kursiga HOP141 waxaa mar kale ku guuleystay xildhibaan Maxamed Abuukar Islow, kadib doorasho ka dhacday magaalada Jowhar oo ergada kursiga ay cod gacantaag ah ugu codeeyeen.

Waxaa la tartamay Musharax Abdullahi Nur Mohamed, kaasoo markii danbe u tanaasulay, waxaana sidaasi Guddiga Doorashada Hirshabelle ay shaaciyeen inuu Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow ku guuleystay Kursiga HOP141.

Ad

Magaalada Jowhar waxaa ku haray Kursiga HOP135 oo la filayo in saacadaha soo socda la doorto, waxaana kursigii ay ku fadhisay allaha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo qarax lagu dilay Magaalada Beledweyne.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON