Saturday, May 17, 2025

Xildhibaan Mahad Salaad: “Wasiir Beyle ma dadka xoolahooda miyuu rabaa inuu xoog ku dhaco..?!”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si weyn u dhaliilay go’aan culus oo kasoo yeeray Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, isagoo weydiiyay su’aalo culyus.

“Wasiir Beyle waxaan waydiin lahaa canshuurta uu sheegayo soo sharci lagu qaado uma baahna, mise dadka xoolahooda ayuu rabaa xoog in uu ku dhaco?!..” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku dhaliilay hadalka kasoo yeeray Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

“Sida ku cad Xeerka Qoondada Miisaaniyada 2019 Golaha Shacabku ansixiyay qodobkiisa 3.9 Wasaarada Maaliyada waxaa lagu faray in ay soo gudbiso Hindise Sharciyeedka Canshuuraha iyo Tacriifooyinka ugu danbeyn 15ka Maarso 2019… Sidoo kale Gudiga Maaliyada Golaha Shacabka 3dii February 2019 waraaq ayuu u diray Wasiirka Maaliyada lagu farayo in uu kusoo gudbiyo Hindise Sharciyeedkaas xiliga Golaha Shacabku u qabtay oo ah 15ka Maarso 2019…” ayuu qoraalkiiska u yiri Mahad Salaad.

Ad

Wuxuu sheegay in Wasiir Beyle laga sugayo sharcigii canshuuraha iyo tariifooyinka lagu qaadi lahaa, wuxuuna is weydiiyey in Dadka uu wasiiru u goodinayo u baahan yihiin in sharci wax looga qaado.

Ugu danbeyn xildhibaan Mahad Salaad ayuu yiri: “Mudane Wasiir ilaahey ka baq oo umaddaan Shabaab iyo Daacish xoolo tireen dhibaatada ka yareey. Kolley kamaba dhaafayside!..”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON