Monday, February 10, 2025

Xildhibaan Mahad Salaad oo Xukuumadda Somalia ku eedeeyay inay Mareykanka u xalaaleyso Gumaadka Dadka Sh/Hoose

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa u eedeeyya Ciidamo isugu jira Mareykan iyo Ciidamo ay tababareen oo Soomaali ah inay  mar kale ku xasuuqay deegaanka Macalinka ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dad xoogsato ah oo ka xamaasha beeraha Gobolkaas laga dilay 5 qof, 6-na laga dhaawacay, iyadoo  4 kale  nolol lagu qafaashay. Wuxuuna su’aal ka keenay sababta Xukuumada Soomaaliya mar kasta u dafirto dhibaatooyinkaasi.

“Xukuumada Soomaaliya ayaa si ay u mooro duugto dhibaatada loo gaystay dadkaas shacabka ah mar kale dafirtay in dadkaasi shacab ahaayeen. Laakin waxaa iswaydiin mudan sababta Xukuumada Soomaaliya mar waliba ku qasbaysa in ay u xalaaleynayso Ciidamada Maraykanka gumaadka ay ka geysanayaan Gobolka Shabeelada Hoose?!..” ayuu Xildhibaan Mahad Salaad oo farriin soo dhigay baraha bulshada.

Ad

Wuxuu ugu baaqay Goleyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay u guntadaan sidii loo baajin lahaa gumaadkaan lagu hayo dadka shacabka ah ee dabar goyntu ku socoto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON