Saturday, April 19, 2025

Xildhibaan Mahad Salaad oo farriin u diray Sanbaloolshe: “Ha dhex boodin Siyaasadda..” [Akhriso]

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa farriin jawaab ah u diray Taliyaha NISA oo hadallo hanjabaad ah hawada u mariyay.

Xildhibaanka oo fariin soo dhigay baraha bulshada ayaa u sheegay taliyeyaasha amniga inay gartaan mas’uuliyadooda, isla markaana aanay dhex boodin siyaadda oo aysan mashquulin doodaha xildhibaanada.

Wuxuu farriintiisa ku soo xiray ianan dalkan lagu maamuli doonin Wareegto iyo War-saxaafadeed, taasoo uu hore Sanbaloolshe uga jawaabay: “Haddii aan wareegto lagu maamulin ma Mooshin ayaa lagu maamuli lahaa..”

Ad

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAANKA

Taliyeyaasha Hay’adaha Amniga waxaa ila haboon inay gartaan mas’uuliyadoodu waxa ay tahay ee aysan dhex boodin Arimaha Siyaasada. Kuna mashquulin doodaha iyo fariimaha Xildhibaanadu uga hadlayaan qaladaadka Xukuumada iyo Hay’adaha Amnigu galayaan maalin walba, sababtoo ah waa arin Dastuuri ah waana qayb kamid ah waajibaadka shaqo ee Xildhibaanada.

Sidoo kale anigu waxaan kitaab ku maray inaan ahay Xildhibaan Qaran oo Dalka, Dadka, Diinta iyo Dastuurka intaba ilaalin doona sidaas darteed inaan guto waajibka i saaran cidna marti ugama noqonayo. Hanjabaada Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida ugu gafay Xildhibaanadana jawaabteeda maalin kale ayaan u dhiganeynaa inshaa’allaah.

DALKANA LAGUMA MAAMULI KARO WAREEGTO IYO WARSAXAAFADEED.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON