Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ka hor yimid magacaabidii ugu danbeysay ee taliyeyaasha ciidamada qalabka sid iyo guddoomiyaha Gobolka Banadir,, siiba taliyaha sida rasmig ah loogu magacaabay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA ee Fahad Yasiin Xaaji.
“Magacaabistii shalay waxaa iiga muuqata in Madaxweyne Farmaajo ku talo galay in uu aruursado dad wax u dila, fuliyana awaamirtiisa si ka baxsan xayndaabka sharciyadeed ee dalka u yaalla iyo kuwa caalamiga ahba. Sidoo kale in la doonayo in la sii kordhiyo caadiska iyo caburinta lagu hayo shacabka degan Gobolka Banaadir iyo dadka siyaasad ahaan ka aragti duwan Madaxweynaha, lkn aan lagu talo galin dhismaha ciidan qaran, mid horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid isla xisaabtan toona..” ayuu yiri xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.
Wuxuu intaas ku daray in maahmaahda: RATI HOOG NINKII RARA HAANTA WEYN AYUU KA FURTAA, isagoo farriintiisa ku yiri: “Dadka degan gobolkaan dagaal kaligitaliye, mid sokeeye, mid qabqable, mid Itoobiyaan iyo mid argagixiso mid mid ayaa loogu soo tijaabiyay waana lagu hoogay. Marka qofka ku fakaraya wadadii shalay lagu hoogay in uu maanta dib ugu laabto waa mid ugu talo galay..”