Friday, May 23, 2025

Xildhibaan Mahad Salaad: “Farmaajo waa ka tanaasulay Dacwadii, wuxuuna Baddii Somalia u dhiibay sidii Qalbi-dhagax..”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in loo xaqiijiyey in madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya ay ka wadahadleen arrimaha Badda ee dhex yaallay labada dal.

“Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad ayaa ku guulaystay in uu ku qanciyo Madaxweyne Farmaajo in uu ogolaado in khilaafka Badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu xaliyo wadahadal sida uu baahiyay Teleefishinka Qaranka Itoobiya oo la socday safarka Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya uu ku tagay magaalada Niarobi ee dalka Kenya!.. ” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo ku eedeeyay madaxtooyada Somalia inay weli ay dadka ku maaweelinayso in kulankii Nairobi looga hadlay oo kaliya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood.

“Warar sugan oo aan ka helay ilo ka agdhow xaafiiska Madaxweyne Farmaajo waxay ii xaqiijiyeen in ajandaha kulanka labada Madaxweyne uu ahaa arinta muranka Badda iyo dacwada hortaala Maxkamada Caalamiga ah (ICJ) lkn waxay ka gaabsadeen in ay sheegaan go’aamada ay ka gaareen arintaan labada Madaxweyne!..” ayuu ku dooday Xildhibaanka oo si weyn ugu kacsan dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo.

Ad

Wuxuu sii raaciyey: “Waxaa ka muuqata in Baddii Soomaaliya la beec geeyay Madaxweyne Farmaajo na ka tanaasulay dacwadii Maxkamada Caalamiga ah hortaalay, Baddii Soomaaliyana u dhiibay sidii shalay uu u dhiibay Abdikariim Qalbi Dhagax!..”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON